Saraakiil katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegtay in ciidamada maamulkaasi dagaal ay kula galeen Al-Shabaab degaanka Buula-xaaji oo qiyaastii 80-KM u jira magaaladda Kismayo ay ku dileen xubno sare oo ka tirsan kooxdan.

Col Cali Goosaar, oo kamid ah saraakiisha ciidamadda Daraawiishta ee maamulka Jubbaland ayaa wuxuu carabka ku dhuftay inay dagaalka ay ku dileen illaa iyo Todoba dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan Labo sarkaal oo sarre.

Wuxuu tilmaamay in xubnaha ay dileen ay kala ahaayeen; Taliyihii dagaalyahanadda Shabaab ee tuuladda Buula-xaaji, iyo Gudoomiyihii halkaas ugu magacownaa, isagoo saxaafadda usoo bandhigay Meydad uu ku sheegay inay kala yihiin Ragaas.

Col Goosaar ayaa sidoo kale daboolka qaaday in dagaalka ay sidoo kale ku burburiyeen Saldhigyo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa Al-Shabaab kasoo abaabuli jirtay weeraradda, islamarkaana ku diyaarin jireen baabuurta lagu soo xiro waxybaaha Qarxa.

"Kadib markii howlgal ay sameeyeen Guutadda 1aad ee ciidanka Jubaland waxaa u suuragashay inay burburiyaan Saldhig cadowgu ku diyaarin jiray Qaraxyadda iyo weeraradda, aana ku dilno 2 sarkaal, oo kamid ahaa Al-Shabaab," ayuu yiri Goosaar.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu ku shaaca ka qaaday in sidoo kale ay usuuragashay in Al-Shabaab ay kala wareegaan gabi ahaanba gacan ku haynta degaanka Buula-xaaji, isagoo sheegay in haatan ay maamulayaan ciidamadda Daraawiishta.

Marka laga soo tago hadalka saraakiisha ciidamadda Daraawiishta ee maamulka goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbalad, ma jiro wax hadal rasmi ah oo ay Al-Shabaab illaa iyo haatan kasoo saartay warkaan.

Howlgalkaan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo dhowaan uu faray Madaxweyne Axmed Madoobe, saraakiisha ciidanka Daraawiishta Jubalanad inay labajibaaraan Gulufyadda gobolada hoos-yimaada ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM