Saraakiil lagu waayay weerarkii Galgaduud oo nolol la helay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib baadi-goob socday tan iyo xalay ayaa lagu guuleystay in lasoo badbaadiyo labo Sarkaal oo katirsan guutada 21aad ee Ciidanka xoogga dalka oo shalay la waayay kadib markii jidka looga galay Kolonyo ay la socdeen.

Labada Sarkaal oo lagu kala magacaabo Qalbi Indha-taag iyo Gaashaanle Warsame Xasan ayaa saakay laga soo badbaadiyay dhul howd ah, oo ay isku qariyaan kadib markii saaxiibadooda lagu laayay duleedka Balanbale.

Waxay ahaayeen Saraakiil tababar kusoo qaatey Guriceel, oo iyagoo dib ugu laabanayay Balanbale lagu weeraray wadada, kadibna laga dilay 6 Sarkaal oo meydadkooda Maanta la aasay.

Lama oga cida ka dambeysa weerarka, laakiin Galmudug waxay sheegtay inay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo sababta loo beegsaday Saraakiisha, iyadoo wararka ay sheegayaan in la qabtay mid kamid ah kuwa falkan geystay.

Gobolka Galgaduud ayaa kamid ah meelaha ugu badan oo ay ka dhacaan dagaal beeleedyada iyo dilalka aanooyinka qabiil, iyadoo Kooxda Al-Shabaab ay khatar ku hayso amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM

Puntland oo xoojisay la dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah

Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa inay sanadkii ku lumiso ku dhowaad 300 milyan oo doollar kalluumaysiga sharci-darrada ah.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 12:13PM