Saraakiisha Alshabab oo ka shiraya inay ku biiraan Daacish iyo in kale

Image

July 9, 2015 (GO)- Warar hordhac ah oo warbaahintu heshay ayaa tibaaxaya in saraakiisha ugu sarreysa Al-shabaab ka shirayaan sidii ay go'aan uga gaari lahaayeen, in Al-shabaab ku biirto Daacish iyo in kale.

Shir labadii maalmood ee ugu dambeeyey ka soconayey degmda Jilib ayaa lagu soo waramayaa in saraakiisha Al-shabab arrintaas si weyn diiradda ugu saareen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Hoggaamiyaha Al-shabab Abu-Cubeyda isagu shaqsi ahaan dooneyn in Al-shabaab xiriirka u jarto Al-qacida kuna biirto Al-shabab, haseyeeshee in badan oo kamid ah saraakiisha xubnaha ka ah hoggaanka kooxda ayaa la rumeysan yahay inay arrintan u ololeynayaan.

Al-shabab ayaa sanadkii 2012 ku biirtey Ururka Al-qacida oo isagu dhaqaale ahaan iyo awood ahaanba sii wiiqmaya marka loo barbar dhigo Ururka Daacish ee ka arrimiya qaybo kamid ah wadamada Ciraaq iyo Suuriya.

Inkastoo fikirka jihaadiga ah ay ka siman yihiin, waxaa hadana jira khilaaf badan oo u dhexeeya Al-qaacida iyo Daacish.

Arrimaha aysan isku aragtida ka ahayn waxaa kamid ah: shuruudaha gaaleysiinta iyo qaabka loola macaamilayo dowladaha ka jira caalamka Islaamka.

Hoggaamiyaha Daacsih Abubakr Al-baqdadi ayaa la rumeysan in uu labo bilood kahor baaq usoo diray Al-shabaab, isagoo ka codsaday inay kusoo biraan Daacish islamarkaana noqdaan wakiilka kooxdaas u jooga Geeska Afrika.

Daacish ayaa horay heshiis ula gashay ururro jihaadiyiin ah oo ka jira galbeedka iyo waqooyiga Africa, waxaana laga xusi karaa Ururka Boko Haram ee ka dagaallama dalka Nigeria.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo ku dhawaaqay bannaanbaxyo toddobaadle ah ilaa Xasan Sheekh ka baxayo Villa Somalia

Dowladda federaalka ayaa si adag u diidday sheegashada mucaaradka ee ah in muddo xileedka madaxweynaha uu dhammaaday.

  • Soomaliya

    20-05-2026

  • 07:47AM

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM