Sarkaal ciidan iyo Askar lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Baay

Image

BUURHAKABO, Soomaaliya - Kooxda Al Shabaab ayaa sheegtay inay dishay Taliyihii ciidamada militariga degmada Buurhakabo Korneel Cabdiraxmaan Cismaan Abroone iyo saddex Askari oo ilaaladiisa ahaa.

Taliyaha ayaa ku dhintay Weerar gaadmo ah oo xoogaga Al Shabaab ku qaadeen Gaari uu la socday xilli uu marayay duleedka deegaanka Deynuunay oo ku yaalla inta u dhaxaysa degmooyinka Buurhakabo iyo Baydhabo.

Korneel Cabdiraxmaan Cismaan ayaa saaka kasoo ambabaxay degmada Buurhakabo, waxaana uu kusii jeeday magaalada Baydhabo, waxaana jidka u galay dagaalyahanada Al Shabaab oo ku qaarijiyay meel ku dhaw Deynuunay.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya wali kama uusan hadlin dilka Korneel Cabdiraxmaan Cismaan oo kamid ahaa Saraakiisha sare ee ciidamada gobolka Baay.

Wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo ayaa waxaa ku xoog badan Al Shabaab, oo inta badan weeraro gaadmo ah ku qaada Gaadiidka ciidamada dowladda iyo kuwa Saraakiisha galbinaya.

Madaxa sare ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa isticmaala diyaarado markii ay isaga kala gooshayaan degmooyinka gobollada SHabeellaha hoose, Baay iyo Bakool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM