Sarkaal ka tirsan FEIT oo qarax lagula eegtay Jowhar

Image
Waa qaraxii saddexaad oo miino ah oo ka dhaca sanadkan meel u dhexeysa magaalada Jowhar iyo garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan labo askari ayaa ku dhimatay mid kalana waa uu ku dhaawacmay kadib markii gaari uu saarnaa Mahad Cumar Cabdi oo ka tirsan guddiga doorashooyinka heer Faderaal qarax lagula eegtay inta u dhexeysa magaalada Jowhar iyo garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere ee magaaladaasi.

Mahad oo xubin ka ah guddiga doorashooyinka ayaa ka badbaaday weerarka balse qaar ka mid ah askartiisa ayaa qaraxa ku dhimatay sida saarkaal ka tirsan booliska uu u xaqiijiyay Garowe Online.

Gaariga qaraxu haleelay ayaa la socday kolonyo gaadiid ah oo ka baxday magaalada Jowhar kuna sii jeeday garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar sida ugu dhoofaan magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho.

Kolonyada gaadiidka ayaa waxaa saarnaa siyaasiyiin iyo qaar kamid ah dadkii goobjoog ka ahaa doorashadii shalay ka dhacday magaalada Jowhar taasoo uu ku soo baxay Cismaan Xaadoole.

Waa qaraxii saddexaad oo miino ah oo ka dhaca sanadkan meel u dhexeysa magaalada Jowhar iyo garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere iyadoo hore labadii qarax ay ku dhinteen 6 ruux oo rayid ah.

Hirshabeelle oo ka kooban labo gobol ayaa ka mid ah goobaha ugu badan ee ay ka howlgalaan ciidanka Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika balse wali laguma guulaysan in laga hortago weerarada Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM