Sarkaal ka tirsan milatariga iyo gabdhihiisa oo qarax lagu dilay

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah Jubbaland waxaa xalay lagu dilay Taliye ku xigeenkii guutada 11-aad, qaybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka, Ismaaciil Sheekh Isxaaq iyo laba gabdhood oo Awoowe uu u ahaa.

Sida ay warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo dhanka ammaanka ah, sarkaalka iyo labadaas gabdhood waxaa lagu dilay qarax miino oo guriga loogu xiray.

Sidoo kale seddax qof oo isla qoyska ah ayaa ku dhaawacmay qaraxaas, kuwaas oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee magaalada Kismaayo.

Ciidamada ammaanka ayaa xalay baritaano culus ka sameeyay xaafadda Guul-wade ee magaalada Kismaayo oo ah xaafadda uu ku yaallo guriga lagu qarxiyey qoyskaan.

Macadam hadii ay jiraan dad loo xiray weerarka lagu dilay sarkaalka.

Dhanka kale waxaa xalay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan lagu dilay Cabdirashiid Muxumed oo ka mid ahaa ergadii soo dooratay kursiga HOP058, kaas oo Cabdullaahi Sanbaloolshe uu ku geystay sanadkaan.

Dabley bistoolado ku hubeysan ayaa dishay marxuumka, kuwaas oo goobta isaga baxsaday, mana jirto cid ilaa hadda loo soo qabtay dilka Cabdirashiid, kooxda Al-Shabaab ayaa beegsata ergada soo doorata xildhibaanada Soomaaliya.

Weeraradaan ayaa dhacaya xilli dalku jiro doorasho.

Doorashadan ayaa la filayaa in ay keento cid wax ka qabata khatarta Al-Shabaab, dib u dhiska hay’adaha qaranka, dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo in uu dhasho dastuur cusub oo qeexaya doorarka, shaqada iyo habraaca dowladnimo ee ay ku socoto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM