​Sarkaal kairsan Ciidamada Canshuuraha oo lagu dilay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Sarkaal katirsanaa Waaxda Canshuraha Wasaarada Maaliyadda dowladda Federaalka Somalia ayaa maanta oo Isniin ah lagu dilay magaalada Muqdishu.

Goobjooge ayaa u sheegay GO in rag ku hubaysan ay ku toogteen Askariga gudaha suuq ku yaalla xaafada Seybiyaano ee Degmada Hodan, xilli uu ku mashquulsanaa qaadista lacago canshuur ah.

Marxuumka la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi Timo-Jilic. Wali lama oga cida dishay iyo sababta loo dilay, balse dilalka noocan ah waxaa ka geesta magaalada Kooxda Al shabaab.

Laba dhalinyaro ah oo watay Mooto ayaa dilay askariga, kuwaasi oo durbadiiba goobta ka baxsaday kahor inta aysan soo gaarin Ciidanka amniga oo markii dambe fuliyay howlgal aan cidna lagu soo qaban.

Shalay gelinkii dambe ayay aheyd markii kooxo hubeysan ay ku dileen degmada Wardhiigley Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo magaciisa lagu soo koobay Siciid Kaarshe.

Al shabaab ayaa beegsiga ku haya Shaqaale dowladda, Askarta iyo Odayaashii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Somalia, kadib markii uu joogsaday Howlgalkii xasilinta Caasumada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM