Sarkaal kasoo goostey Al-Shabaab oo lasoo bandhigay

Image
Image
Image
Maxamed Nur Maxamed Xuseen ayaa isku dhiibay ciidamadda dowladda ee ku sugan gobolka Baay ee Koonfur Galbeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah waxay shaaca ka dhigtey in uu isku soo dhiibay horjooge sarre oo ka tirsanaa maleyshiyaadka ururka Al-Shabaab.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda oo faafisay magaca iyo sawirka sarkaalka ayaa ku warantey in uu ahaa "Madax Sakawaatka Nabadiidka gacansaarka la leh Al-Qaacida".

Sida laga soo xigtey warbixinta, Maxamed Nur Maxamed Xuseen ayaa isku dhiibay ciidamadda dowladda ee ku sugan gobolka Baay gaar ahaan degaanka Deynuuney.

"Madax Sakawaatka Nabadiidka Alshahab ee Deeganka Dadaarow ee  Gobolka Baay ayaa  isku soo dhiibey Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed Qeybta 60aad," ayuu yiri telefishinka.

Wuxuu ku daray: "Maxamed Nur Maxamed Xuseen oo Magaciisa Afgarashada Nabadiidka Alshabab uu yahay  (Guudow) oo Mudo 7-sano ah Nabadiidka Alshabab u qaabilsanaa Uruurista Sakawaat Beenaatka ayaa Isku soo dhiibey Ciidanka  Xoogga Dalka Soomaaliyeed Qeybta 60aad ee fadhigoodi uu Yahay Deeganka Deynuuney ee gobolka Baay".

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay xoogaga gacansaarka la leh oo ku saabsan sheegashada dowladda. Al-Shabaab ayaa inta badan waxay wararka ku faafisaa mareegyo ay ku leedahay internet-ka.

Gobolka Baay oo hoostaga maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa kamid ah goobaha ay dalka kaga xoogan tahay kooxda Al-Shabaab waxaana la aaminsan yahay in ay u joogaan hogaamiyeyaal badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xildhibaano Soomaaliyeed oo laga qaadey xayiraad ka saarnayd EALA

Sidoo kale, dhaliilaha ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka uu ka booday xeerarka magacaabista.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 02:41PM

Xasan Sheekh oo wadahadal u bandhigay Somaliland, balse diiday gooni-isu-taag

Khudbad si adag u qornayd ayuu madaxweynuhu kaga digay faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 08:21AM