Sarkaal katirsan UNICEF oo lagu dilay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mid kamid ah Shaqaalaha ajnabiga ah ee katirsan Hay'adda UNICEF ayaa lagu dilay maanta magaalada Muqdisho ee Caafimadda Soomaaliya.

Goobjooge ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in ninkan Ajnabiga ah lagu dhexdilay gudaha xarunta Hay'adda oo ku taalla nawaaxiga Isgoyska Zoobe ee degmada Wadajir, waxaana dilkiisa ka dambeeyay Askari kamid ahaa ilaalada Hay'adda.

Sarkaal katirsan Booliska Soomaaliya ayaa u sheegay GO in ninka la dilay uu u dhashay dalka Uganada, kaasi oo kamid ahaa Saraakiisha sare ee xafiiska Hay'adda UNICEF ee Muqdisho.

Waxaa dilay Askari dhawaan shaqada laga eryay, kaasi oo goobta isaga baxsaday markii uu dilay ninkan u shaqeynayay Hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha carruurta ee UNICEF.

Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa xarunta la wareegay oo wada baaritaan dilka ku aadan, balse wali ma jirto fahfaahin ay saraakiisha amniga ka bixiyeen dhacdadan.

Ciidamada AMISOM ayaa dilka kadib xarunta kasoo daadgureeyay shaqaalaha kale ee ajnabiga ah, oo ay u qaadeen xarunta Xalane oo ay degan yihiin Hay'adaha UN-ka iyo Saraadaha ajnabiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM