​Sarkaal katirsanaa Militariga Somalia oo lagu dilay Ceel-waaq

Image

MUQDISHU, Somalia- Wararka ka imaanaya magaalada Ceel-waaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas koox hubaysan ku dileen sarkaal katirsan ciidanka xoogga dalka Somalia.

Dilkan ayaa la sheegay inay loo gaystay ALLAHA u nxariistee Marxuum Cabdirashiid Barre Gurxan oo kamid ahaa taliska ciidanka dowladda ee gobolka Gedo.

Dilka ayaa lagusoo waramayaa inuu ka duwanaa kuwii horay uga dhici jiray gobolka iyadoo goob joogayaashu sheegeen in mallayshiyadu gudaha u gashay guriga Marxuum Gurxan islamarkaana toogteen isagoo la jooga qoyskiisa.

Dablayda ayaa goobta ka baxsatay iyagoo ilaa hadda war laga hayn halka ay jaan iyo cirib dhigeen.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay taliska ciidanka dowladda ee gobolka Gedo.

Sarkaalkan la dilay ayaa la sheegay inuu ahaa Taliyaha ugu sareeya Ciidamada dowladda ee degmada Ceel Waaq, oo ku taalla xadka ay wadaagaan Somalia iyo Kenya.

Sidoo kale waxaa la is-weydiinayaa qaabka kooxdan ugu suuro gashay inay gudaha u galaan guriga Sarkaalkaas.

Al shabaab ayaa sheegatay  mas’uuliyada dilka Gurxan.

Degmada Ceel Waaq, oo marin muhiim u ah Ciidamada Kenya ee isaga kala goosha xuduuda, ayaa waxaa laga saarey Kooxda Al shabaab sanadkii 2011, balse waxay wali ka wadaan weeraro iyo dilal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM