Sarkaal katirsanaa Militeriga Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal katirsanaa Ciidamada Militeriga dowladda Soomaaliya, ayaa saaka lagu dilay gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo dilkiisa uu noqonayo kii 4aad oo Caasimadda ka dhaca mudo ka yar 24 saacadood.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa xaqiijiyay in labo nin oo bastoolado ku hubaysan ay Sarkaalka oo lagu magacaabi jirey Farxaan Xuseen Barkhadle nawaaxiga Jaamacaddii hore ee Gaheyr oo ku taalla degmada Hodon.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uliyadda dilka Sarkaalka oo katirsanaa ciidamada fadhigoodu yahay saldhiga Villa Baydhaba ee magaalada Muqdisho, waxaana la dilay xilli uu shaqada kusii jeeday.

Mas'uuliyiinta amniga dowladda wali kama hadlin dilalkan isdaba jooga ah ee tan iyo xalay ka dhacaya Caasimadda, kuwaasi oo ay ay geysanayaan dhalinyaro bastoolado ku hubaysan oo katirsana Al Shabaab.

Xalay fiidkii, saddex qof oo Askar ay kamid ahaayeen ayaa lagu dilay isla goobta saaka lagu toogtay Sarkaalka Hal Xidiglaha ahaa ee magaciisa lagu sheegay Farxaan Xuseen Barkhadle. Halkan ka akhri.

Dilalkan ayaa dhacaya xilli ay Ciidamada amaanka dowladda ku sugan Isgoyska kasta oo ku yaalla Muqdisho, kuwaasi oo habeen iyo maalin baara gaadiidka dadweynaha, iyagoo dhanka kale ay socdaan howlgallo xaafadaha ay ka fulinayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM