Sarkaal katirsanaa Militeriga Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal katirsanaa Ciidamada Militeriga dowladda Soomaaliya, ayaa saaka lagu dilay gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo dilkiisa uu noqonayo kii 4aad oo Caasimadda ka dhaca mudo ka yar 24 saacadood.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa xaqiijiyay in labo nin oo bastoolado ku hubaysan ay Sarkaalka oo lagu magacaabi jirey Farxaan Xuseen Barkhadle nawaaxiga Jaamacaddii hore ee Gaheyr oo ku taalla degmada Hodon.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uliyadda dilka Sarkaalka oo katirsanaa ciidamada fadhigoodu yahay saldhiga Villa Baydhaba ee magaalada Muqdisho, waxaana la dilay xilli uu shaqada kusii jeeday.

Mas'uuliyiinta amniga dowladda wali kama hadlin dilalkan isdaba jooga ah ee tan iyo xalay ka dhacaya Caasimadda, kuwaasi oo ay ay geysanayaan dhalinyaro bastoolado ku hubaysan oo katirsana Al Shabaab.

Xalay fiidkii, saddex qof oo Askar ay kamid ahaayeen ayaa lagu dilay isla goobta saaka lagu toogtay Sarkaalka Hal Xidiglaha ahaa ee magaciisa lagu sheegay Farxaan Xuseen Barkhadle. Halkan ka akhri.

Dilalkan ayaa dhacaya xilli ay Ciidamada amaanka dowladda ku sugan Isgoyska kasta oo ku yaalla Muqdisho, kuwaasi oo habeen iyo maalin baara gaadiidka dadweynaha, iyagoo dhanka kale ay socdaan howlgallo xaafadaha ay ka fulinayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM