Sarkaal ku dhintay dagaal Ciidamo kawa tirsan DFS ku dhexmaray Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Iska hor-imaad u dhaxeeya Ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo sabti ah ka dhacay magaalada Muqdisho.

Goob-jooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in Ciidamo ka kala tirsan Militeriga iyo Nabadi Sugida ay is-rasaaseyn mudo daqiiqado ah socotay maanta duhurkii ku dhexmartay Xaafadda Kaawo-Godeey ee demada Dharkeenlay.

Dagaalka oo ka dhashay muran la xiriira dhul ku yaalla Xaafadaasi, ayaa waxaa ku geeriyooday Sarkaal ciidan oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Xuseen Maxamed [Mangiste].

Sarkaalkan ayaa la sheegay inay haleeshay rasaas xilli uu kasoo baxay Guri halka uu dagaalka ka dhacay ku yaalla, isagoo markaasi aan ka mid ahayn labada dhinac ee iska hor-imaadka u dhaxeeyay.

Ugu yaraan afar qof oo kale oo shacab ah ku jiraan ayaa ku dhaawacmay isku dhaca Ciidamada kawada tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo la dhigay Isbitaallada.

Ciidamo kale ayaa kala dhexgalay markii dambe labada dhinac, iyadoo xaaladda goobta caadi lagu soo celiyay.

Iska hor-imaadkan ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii Ra'iisul Wasaare Khayre uu ka digay sii socoshada isku dhacyada Ciidamada dowladda u dhaxeeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM