Sarkaal xil muhiim ah u hayey Al-Shabaab oo la qabtay [Fahfaahin]

Image

SABLAALE, Soomaaliya - Sida ay sheegayaan wararka aynu ka helayno gobolka Shabeellaha Hoose, sarkaal sare oo ka tirsan xoogaga Al-Shabaab ayaa waxaa lagu qabtay Howlgal ay sameeyeen ciidanka xooga dalka [SNA].

Sarkaalkaan oo lagu magacaabo Xasan Sheekh Boor, ayaa waxaa lagu qabtay tuuladda Mari-gubaac, oo qiyaastii 10-KM u jirta degaanka Dacar oo hoos-yimaada degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Gudoomiyaha deegaanka Mari-gubaac, Cabduqaadir Aadan Mayow, ayaa xaqiijiyay in sarkaalkaan uu xilal kala duwan usoo qabtay Kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ka ahaa gobolka mid caan ah.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray inuu soo noqday hogaamiyah Al-Shabaab ee deegaanka Mari-gubaac, uuna hadda ahaa Madaxa Zakawaadka Shabaab ee isla deegaanka Dacar iyo xilal kale oo muhiim u ahaa.

"Waa nin la hubo inuu Al-Shabaab ka tirsan yahay, waliba saraakiisha sarre ayuu ku jiraa. Wuxuu soo qabtay xilal dhowr ah, markii lasoo qabanayay isla shaqadaas ayuu hayay," ayuu Mayow yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu intaas ku daray inay jireen xubno isaga ilaalo u ahaa kuwaasoo ka baxsaday markii ay howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen deegaanka Mari-gubaac ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Gudoomiye Mayow oo la weydiiyay sida ay ka yeelayaan Sarkaalkaan Shabaabka ah maadaama ay hadda gacanta ku hayaan ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay inay ku wareejin doonaan Hay'addaha cadaaaladda.

"Waxaan ku wareejin doonaa hay'adaha amniga dalka, si cadaaladda loo horgeeyo, waxaana ugu gacan gelin doonaa sidda ugu dhaqsiyaha badan," ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Gudoomiyaha.

Ma jiro wax hadal ah oo dhanka Shabaab kasoo baxay, oo ku saabsan hadalka maamulka Deegaanka Mari-gubaac, oo ah in sarkaal sare oo iyaga ka tirsan ay gacanta ku dhigeen ciidamada xooga dalka.

Mudooyinkii u dambeeyay ciidamada xooga dalka ayaa dar-dar geliyay howlgalo saf-balaaran ah oo ay ka fulinayaan gobolka dalka, kaasoo u jeedkiisu yahay xorreynta degaanka ku hoos jira gacanta Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Natiijo horey loo saadaalinayay oo kasoo baxday doorashadii Galmudug

Mucaaradka iyo qaar ka mid ah ururrada siyaasadda ayaa horey u muujiyay walaac ku saabsan hannaanka doorashada.

  • Soomaliya

    03-08-2026

  • 07:25PM

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Dib u Celiyay Baasaboorka Kenya

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Jibriil bishii Juun laga celiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee Nairobi.

  • Soomaliya

    03-08-2026

  • 02:08PM