Sawirro: Khasaaraha Weerarka PIZZA House oo kordhay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ciidamada dowladda ayaa goor hore saaka ku guulaystay inay soo afmeeraan howlgal muddo dheer qaatay oo ku saabsaana weerarkii lagu qaaday xarumaha PIZA House ee magaalada Muqdishu.

Weerarkan oo ay fuliyeen dablay hubaysan oo tiradoo lagu sheegay 5 ruux oo adeegsaday baabuur lagu xiray walxaha qarxa, ayaa sababay dhimashada 22 qof oo shan kamid ah Dumar yihiin.

Dadka dhintay waxaa kamid ah qof Ajnabi ah oo u dhashay dalka Suuriya.

Sawirro lagasoo qaaday goobtaas ayaa muujiyay maydad tiro badan oo yaallay xaruntaas oo inta badan ay ku cawayn jireen dhalinyarada magaalada Muqdishu.

Balse, dowladda Somalia ayaa tirada dhimashada weerarkaas ku sheegtay 18 qof xilli uu warbaahinta la hadlay Afhayeenka wasaaradda amniga Somalia.

Carab ayaa xusay in ciidamada sida gaarka ah u tabo baran ee Gaashaan gudaha u galeen dhismaha islamarkaana soo badbaadiyeen ku dhawaad 50 qofood oo isugu jiray muwaadiniin Soomaali ah iyo ajaaniba.

AMISOM, ayaa sidoo kale war kasoo saartay shilkaas iyadoo tacsi u diray ehelka dadkii lagu laayay weerarkaas.

Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya  Ambassador Francisco Madeira ayaa ku eedeeyay Al Shabaab in ay Qaraxyo Ismiidaamin ah la beegsadaan goobaha ay isugu yimaadaan dadka shacabka ah ee aanan waxba galbsan.

"Al Shabaab waa cadowga shacabka Soomaaliyeed, mar walba waxa ay beegsadaan goobaha ay isugu yimaadaan shacabka, sida weerarkii xalay oo kale ujeedo ma uusan laheyn, Ciidanka ammaanka waxaan ku amaanayaa qaabka ay uga jawaabeen weerarkaasi, AMISOM mar walba waxay taageero buuxda la garab taagan tahay Dowladda Federaalka iyo shacabkeeda."Ayuu yiri Ambassador Francisco Madeira.

Ciidamada dowladda ayaa toogtay dhammaan dablaydii weerarka soo qaaday oo katirsanaa kooxda Al Shabaab.

Qaraxan ayaa lagusoo beegay xilli caasumadda Muqdishu uu kasocdo howgalka Xasilinta iyo hub ka dhigista shacabka.

Maaha markii ugu horaysay weerar noocaan ah lagu qaado xarumo muhiim ah oo ku yaalla caasumadda Somalia ee Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM