Saxaafadda oo looga yeeray madaxtooyada Garowe

Image

May 2, 2015 (GO)- Saxaafadda ayaa saaka looga yeeray xarunta madaxtooyada ee Garowe halkaasoo la filayo in mar dhow ay si wadajir ah shir-saxaafadeed ugu qabtaan Madaxweyneyaasha Dowladda Federaalka, Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Madaxda ayaa la filayaa inay ka hadlaan qodobadii ugu muhiimsanaa ee diiradda lagu saaray shirar gaar gaar ah oo saddexdii beri ee ugu dambeeyey Garowe ka socdey.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in dhinacyadu gaareen heshiis dhowr qodob ka kooban.

Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan shirkaas jaraa'id iyo sawirradaba dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM