Senator Faroole oo Khudbad ka jeediyay Barlamanka Jubbaland [DAAWO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Somalia - Madaxweynahii hore ee dowladda Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa maanta Khudbad ka jeediyay Xaflada lagu soo xirayay Kalfadhiga 3aad, Gollaha Barlamanka maamulka Jubbaland oo ka dhacday Kismaayo.

Khudbada Senator Faroole ayaa ugu hadlay arrimo dhowr ah, oo ay kamid yihiin Xaaladda dalka uu marayo, isagoo dhanka kale bogaadiyay horumarrada ay ku tallaabsatay Jubbaland mudaadii ay jirtay.

Mudane Faroole oo booqasho ku jooga Kismaayo, ayaa Kulamo kala duwan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada, Madaxda sare ee Jubbaland state, Wasiirro, Xildhibaanno iyo Mas'uuliyiin kale.

Senator-ka ayaa ku tagey Kismayo safarkii ugu horeeyay maalintii Axadda ee lasoo dhaafay, kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Intii uu Madaxweynaha ka ahaa Puntland, Faroole ayaa dedaal badan ku bixiyay dhismaha Jubbaland 2013-2014, taasi oo khilaaf weyn ka dhex abuurey isaga iyo Madaxweynihii hore Somalia Xasan Sheekh.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo sheegtay in mudo-xileedka Xasan Sheekh uu dhamaadey

Sidoo kale, hay’adda ayaa ku adkeysatay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    16-05-2026

  • 01:05PM

Xasan Sheekh oo la kulmay Danjiraha Turkiga xilli uu fashilmay Wahadalka doorashadda

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli uu shalay fashil kusoo dhamaadey wahadalkii Mucaaradka iyo Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    16-05-2026

  • 11:32AM