Senator ka warbixiyay dhex-dhexaadinta Khilaafka Gollaha Shacabka [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Senator Maxamud Axmed Maxamud (Mashruuc), ayaa ka warbixiyay dedaallada Aqalka Sare ee uu ku dhex-dhexaadinayo Xildhibaanada Khilaafka Gollaha Shacabka.

Khilaafka oo Asalkiisa yahay Mooshinka laga keenay Jawaari ayaa waxa uu Senator-ku sheegay in Gudiga uu magaacabay Aqalka Sare ee isaga uu xubinta ka yahay uu billaabay dhexdhexaatinta dhinacyada is-haya.

Gudigan oo ka kooban 7 xubnood islamarkaana uu Gudoomiye u yahay Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa la kulmay Jawaari iyo ku xigeenkiisa Cabdiweli Ibraahim Muudey, iyagoo kala hadlay sidii xal loogu heli lahaa Xiisadda taagan.

Waxay sidoo kale la fariisteen Xubnaha Gudiga Ra'iisul Wasaare Khayre iyo Xildhibaanada iska soo horjeeda ee kala ah kuwa Mooshinka ka soo gudbiyay Jawaari iyo kuwa isaga la safan ee difaacaya.

Senator Maxamud Mashruuc, ayaa xusay inay meel fiican u marayso howsha, islamarkaana ay rajeynayaan in laga gudbo Khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Xildhibaanada Gollaha Shacabka oo ku kala qeybsamay Mooshinka.

Mudanaha ayaa tilmaamay inay ka shaqeynayaan sidii Gollaha Shacabka loogu soo celin lahaa xaaladdiisii hore ee degenaanta iyo wadashaqeynta kahor Khilaafka, iyadoo is-mariwaagga taagan lagu xalinayo xeer-hoosaadkiisa Gollaha.

“Mas’uuliyiintii aan la kulanay waxay noo muujiyeen inay diyaar u yihiin in laga gudbo Khilaafka jira, iyagoo dareensan in dalka uusan hadda u baahnayn Khilaaf Siyaasadeed oo hor leh, maadaama waqti adag lagu jiro,” ayuu yiri Senator Maxamud Axmed Maxamud (Mashruuc).

Senator-ka ayaa sheegay in doorka Aqalka Sare uu yahay inuu u kala dab-qaado Madaxda sare ee uu Khilaafka u dhaxeeya, si loo ilaaliyo xasiloonida dalka iyo shaqada dowladda oo hakad gasha marka ay is qabtaan mas’uuliyiin.

"Wixii xeer hoosaadka Gollaha Shacabka uu qabo, baan ku dhex-dhexaadinaynaa, ee ma jirto Xal kale oo aan jeebka ku wado, iyaguna taas ayay ogol yihiin," ayuu ayuu hadalkiisa raaciyay Senator-ka.

Ugu dambeyntii, Senator Maxamuud ayaa ku baaqay in Xaaladda jirta aan laga dhigin Masiibo qaran [National Crisis], oo dalka aan la gelin qalqal siyaasadeed, maadaama Ummadda Soomaaliyeed ay ku jirto duruufo adag, kana soo daashay khilaaf iyo kala qeybsanaan. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM