Shabaab oo dishay mid kamid ah hogaamiyaasheeda

Image

LIKOLEY, Somalia - Kooxda Al shabaab ayaa gobolka Gedo ku dishay mid kamid ah Hogaamiyaasheeda, oo ay ku eedaysay inuu xiriir Taleefonka la sameeyay saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan gobolkaasi.

Horjoogahan oo lagu magacaabi jirey Cabdullaahi Baxar Cali Shire ayaa waxaa lagu dilay deegaanka Likooley, kuna dhaw xuduuda ay wadaagaan dalalka Somalia iyo Kenya.

Cabdullaahi Baxar wuxuu mar soo noqday Gudoomiyaha Al shabaab ee magaalada Baardheere, kahor inta aysan magaaladaasi la wareegin ciidamada DFS iyo AMISOM, July 23, 2015.

Al shabaab kama aysan hadlin dilka horjoogaheeda, oo uu dilay mid kamid ah Dagaalyahanadeeda.

Dilka Sarkaalkan, ayaa kusoo beegmaya xilli Khilaaf xooggan uu ka dhexjiro Madaxda sare ee Al shabaab ee Gedo, kaasi oo keenay in dhowr horjooge ay u baxsadaan dhanka maamulka Jubbaland.

Kooxda Al shabaab ayaa ka maamusha gobolka Gedo deegaanno yar oo miyiga ah, oo ay ka abaabusho weerarada ay ku qaado dalka Kenya iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM