Shabaab oo dishay mid kamid ah hogaamiyaasheeda

Image

LIKOLEY, Somalia - Kooxda Al shabaab ayaa gobolka Gedo ku dishay mid kamid ah Hogaamiyaasheeda, oo ay ku eedaysay inuu xiriir Taleefonka la sameeyay saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan gobolkaasi.

Horjoogahan oo lagu magacaabi jirey Cabdullaahi Baxar Cali Shire ayaa waxaa lagu dilay deegaanka Likooley, kuna dhaw xuduuda ay wadaagaan dalalka Somalia iyo Kenya.

Cabdullaahi Baxar wuxuu mar soo noqday Gudoomiyaha Al shabaab ee magaalada Baardheere, kahor inta aysan magaaladaasi la wareegin ciidamada DFS iyo AMISOM, July 23, 2015.

Al shabaab kama aysan hadlin dilka horjoogaheeda, oo uu dilay mid kamid ah Dagaalyahanadeeda.

Dilka Sarkaalkan, ayaa kusoo beegmaya xilli Khilaaf xooggan uu ka dhexjiro Madaxda sare ee Al shabaab ee Gedo, kaasi oo keenay in dhowr horjooge ay u baxsadaan dhanka maamulka Jubbaland.

Kooxda Al shabaab ayaa ka maamusha gobolka Gedo deegaanno yar oo miyiga ah, oo ay ka abaabusho weerarada ay ku qaado dalka Kenya iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM