Shabaab oo qiratay kooxihii ka dagaallamay Puntland

Image

GAROWE- Ururka Al-Shabaab ayaa markii ugu horaysay qiratay inay kamidyihiin kooxihii ka dagallamay gobollo katirsan Puntland iyo deegaano kamid ah maamulka Galmudug, kuwaasi oo loo gaystay xasuuq xooggan kadib markii ay isku dayeen inay iska caabin sameeyaan.

Afhayeenka Xarakada Shabaab, ayaa warbaahinta ururkaasi taageerta u sheegay inay mallayshiyadan direen 14-kii maarso, balse ma bixin faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan halka loo qorsheeyay iyo tiradooda.

Dowlada Puntland, ayaa ku dhawaad maleeshiyaad gaaraya 200 ku dishay dagalladii ay la gashey kooxdaas kuwasoo ka soo dagay degaanada xeebaha ee Garacad iyo Garmaal, halka maamulka Galmudug shaaciyeen in firxad kii kooxdaas ka dileen100 iyo ka badan.

Dagaaladaan ayaa labada maamul ka qabteen kooxdaan maxaabiis kor u dhafeysa 200 kuwaas oo u badnaa caruur.

Arrintan ayaa timi xilli maamulladaasi xuseen in kooxdaasi katirsanyihiin ururka Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM