​Shabaab oo sheegtay inay gacanta ku dhigeen Darooniska wax basaasa

Image

MUQDISHU, Somaaliya- Ururka Al Shabaab ee dalka Soomaaliya, ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan diyaarad kamid ah nooca loo yaqaano Drones-ka gaar ahaan kuwa wax basaasa ee kaamirooyinka lagu xiro, waxayna sheegeen inay kusoo dhacday deegaan lagu magacaabo Goobaalle oo katirsan Shabeellaha hoose.

Shabaab ayaa diyaaraddan gacanta ku dhigay xilli ay soo dhacday, waxaana qoraal ay ku daabaceen barahooda taageera ku caddeeyeen inay la wareegeen ciidamo iyo saraakiil katirsan kooxdaasi.

Waxay tilmaameen in diyaaraddan ay leedahay dowladda Maraykanka islamarkaana kasoo duushay garoonka diyaaradaha Balli doogle oo fariisin ku leeyihiin ciidamo katirsan xukuumadda Washington.

Majirto waxa war ah oo kasoo baxay Maraykan-ka iyo saraakiisha dowladda Soomaaliya, taas oo ku aadan sheegashada Al Shabaab.

Arrintan, ayaa kusoo aaday xilli dhawr jeer oo hore weeraro loo adeegsaday Diyaarado aan duuliye wadan lagu dilay saraakiil sar sare oo katirsan ururka Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM