Shabeelaha Dhexe: Askar Lagu Diley Qarax Miino

Image

JOWHAR— Wararka naga soo gaaraya gobalka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in saaka qarax miino lala beegsaday gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan Kuwa dowladda Soomaaliya.

Qaraxa oo ka dhacay inta u dhaxeysa garoonka diyaarahada magaalada Jowhar iyo deegaanka Buurane ayaa waxaa ku dhintay 3 askari oo midkood uu ahaa taliyahii ciidamada hogaaminaayay, 4 kalena waxaa ka soo gaaray dhaawac.

Ciidamada weerarka gaadmada ah lagu qaaday ayaa waxaa ay ku wajahnaayeen degaan lagu magacaabo Cali Fooldheere, halkaas oo lagu waday in ay ka soo qaadaan maleeshiyo Al-Shabaab ka tirsan oo habeen hore ay ciidamada dowlada ku qabteen dagaal ay Al-Shabab kula galeen degaanka Mahadey.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa maalmahii ugu dambeyay howlagallo ka waday qeybo ka tirsan gobalka Shabeellada Dhexe.

VOA

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM