Shahaado-siinta Xildhibaanada oo bilaabatay xilli uu khilaaf jiro

Image
Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo weli uu muran ka dhex-taagan yahay guddiga doorashada.

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ee FEIT ayaa maanta oo sabti ah si rasmi ah u bilaabay bixinta shahaadada xildhibaanimo ee xubnaha cusub Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaankii ugu horreeyey oo qaatay shahaada ayaa wuxuu noqday xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) kaas oo tegay xarunta guddiga doorashada waxaana shahaadada guddoonsiiyey Yuusuf Geelle Ugaas oo ah gudoomiyaha guddiga doorashiooyinka dadban ee dalka.

Caana-nuug ayaa ku soo baxay doorashooyinkii dhowaan la qabtay, isaga oo ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#108 ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xildhibaanada kale ee qaatay shahaadada waxaa ka mid ah Dhagay, Dhagdheer, Mustaf Dhuxulow, Dhabancad, Maareeye iyo xildhibaano kale, waxaana wali socda diiwaangalinta mudane-yaasha labada gole ee Baarlamaanka.

Sidoo kale gudiga ayaa ugu baaqay xildhibaanad ka maqan Muqdisho in ay si deg deg ah kusoo gaaraan caasimada, si loo siiyo shihaadada xildhibaanimo.

Xildhibaanada ugu badan ee ku sugan Muqdisho ayaa ah kuwa Gobollada Waqooyi, Beelaha Banaadiriga iyo xildhibaanada qaar ee lagu soo doortay Galmudug.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo weli uu muran ka dhex-taagan yahay guddiga doorashada, kaas oo la xiriira shaacinta xildhibaanada rasmiga ah ee lasoo doortay.

Dooda ayaa sii xoogeystay markii guddoomiyaha guddiga guddiga FEIT uu liiska la shaaciyey ka reebay kuraas uu ku jiro kursiga uu kusoo baxay Fahad Yaasiin.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse khilaafkan ayaa kusoo beegmaya, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay weli caqabad ka taagan tahay dhammeystirka doorashada dalka.

Dhanka kale Maxamed Xuseen Rooble, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa bogaadiyay bilaabashada shahaado siinta xildhibaanada.

"Hambalyo Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo guddoomiyehooda Muuse Geelle Yuusuf oo maanta bilaabay bixinta shahaaddooyinka xildhibaannada la soo doortay ee baarlamaanka 11aad ee dalka” Rooble oo sidoo kale bogaadiyay xildhibaannadii u horreeyay ee maanta qaatay shahaaddooyinka.

Rooble oo culays xooggan iyo Cabsi galin kala kulmaya Xafiiska Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday iyo qaar ka mid ah maamuladda taabacsan ayaa balan qaaday fulinta jadwalkii ay soo saartay FIET oo xeerinaya in xildhibaanada cusub la dhaafiyo 15 April.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM