Shakhsiyaad laga shakiyay oo gacanta loo gashay hay’adda nabad sugidda Somalia

Image

07 November, 2015(GO)-Waxaa xalay magalada Muqdishu lagu qabtay saddex ruux oo midkood xirnaa dharka haweenka kuwaasi oo marayay afaafka hore hotel Weheliye.

Ilaalada hotelka ayaa gacanta ku dhigay saddex nin oo laga shakiyay, balse aan hubaysnayn, waxaana tuhun ka dib lagu wareejiyay hay’adda nabad sugidda Somalia ee NISA, si baartaan loogu sameeyo.

Qabashada raggan ayaa imaanaysa xilli laamaha amniga Xamar soo rogeen awaamir la dul dhigay hotellada Muqdshu, ka dib weeraro qorshaysan oo muddooyinkii dambe lale eeganayay meelaha muhiimka ah ee ku suganyihiin mas’uuliyiinta dowladda Somalia.

Hotelkan ayaa ka mid ha meelaha horay weerarka loogu qaatay, waxaana 11-kii Jullay ururka Al-Shabaab ku dileen 10 ruux.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM