7 ruux oo ku dhintay dagaal dhexmaray ciidanka dowladda Somalia

Image

16 November, 2015(GO)-Ciidamo ka tirsan dowladda Somalia ayaa maanta ku dagaallamay inta u dhaxaysa degmooyinka Hodon iyo Dayniile ee gobolka Banaadir halkaasi oo lagu bixinayay kaarar deeq lagu siin lahaa dad barakacayaal u badnaa haween.

Dagaalka ciidamada ku dhexmaray nawaaxiga Jaamacaddii hore ee Gahayr ayaa sababay dhimashada 7 ruux u badnaa haween barakacayaal ah iyo dhaawaca 19 qof oo ku jiraan ciidamada diriray.

Arrintan ayaa la sheegay inay timi ka dib ismaan dhaaf dhexmaray ciidanka oo ku aaddan habka loo bixinayo kaararka.

Xaaladda ayaa haatan dagan, ka dib markii goobta gaareen ciidamo ka tirsan dowladda iyo waxgarad, balse waxaa jira cabsi laga qabo inay dhacaan dilal kale.

Dhawr jeer oo hore deegaanka waxaa ka dhacay rabshado salka ku haya dhul iyo deeqo la qaybsanayay, taasi oo sababtay dhimashada dad shacab ah iyo barakac.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo ku dhawaaqay bannaanbaxyo toddobaadle ah ilaa Xasan Sheekh ka baxayo Villa Somalia

Dowladda federaalka ayaa si adag u diidday sheegashada mucaaradka ee ah in muddo xileedka madaxweynaha uu dhammaaday.

  • Soomaliya

    20-05-2026

  • 07:47AM

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM