Shaqaale caafimaad iyo gaari lagu afduubtay gobolka Galgaduud

Image

31 December, 2015(GO)-Shakhsiyaad la tuhunsanyahay inay katirsan ururka Al-Shabaab ayaa labo ruux oo mid kalkaaliye caafimaad yahay ku afduubtay degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, waxaana weheliyay gaari cusbitalka degmada u shaqaynayay.

Dadka afduubka gaystay ayaa tira ahaan bulshada deegaanka ku sheegeen 7 qof, waxaana ka hor qafaalashada teleefon u soo direen maamulka Cusbitalka iskuna sheegay inay yihiin ehelka haweenay fool hayso.

Maamulka Cusbitalka Dhuusamareeb ayaa u diray ragga telefoonka soo diray gaari iyo mid kamid ah shaqaalah gargaarka deg degga ah, waxayna ugu dambayn ka warheleen in la kaxaystay gargaarikii caafimaad ee ay direen.

Warar hoose ayaa sheegaya inay gaariga oo Ambalas ah lagu dhex arkayay magaalada Galhareeri ee  ku dhow Ceelbuur.

Maamulka deegmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud oo mar sii horaysay la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inay wadaan baaritaanno la xiriirta falkaasi.

Lama oga halka ay ku dambeeyeen shaqaalihii caafimaad ee ragga Al-Shabaabka lala xiriirinayo kaxaysteen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Charles King

Kulanka oo ay ka qeyb galeen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    09-10-2025

  • 11:06AM

Dowladda Soomaaliya oo beenisay inay heshiis qarsoodi ah la gashay Sweden

Beenintan ayaa ku soo aadeysa xilli Wasiirka Gaashaandhigga Sweden, Pål Jonson, uu booqasho ku joogo Muqdisho shalay.

  • Soomaliya

    08-10-2025

  • 02:08PM