​Shaqaale Turkiga u dhashay oo Muqdishu lagu dilay

Image

MUQDISHU- Weerar lagu qaaday gaari nooca loo yaqaano mini Bus ayaa lagu dilay lix ruux oo labo kamid ah u dhasheen dalka Turkiga, halka afarta kale Somali yihiin xilli ay marayeen xaafadda Taleex degmada Hodon ee magalada Muqdishu.

Waxaa sidoo kale dhaawac soo gaaray ilaa lix ruux oo kale kuwaasi oo mid kamid ah la sheegay inuu asal ahaan kasoo jeedo dalka Kenya.

Dadka dhintay ayaa la sheegay inay isugu jireen dhaqatiir,kal-kaaliyaa, turjumaano iyo ilaalo.

Shaqaalaha la weeraray ayaa ka howl gali jirey Cusbitalka Turkiga ee Deva, waxaana falkani dhacay goor dambe maanta.

Majirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaasi, balse waxaa la tilmaamay inay rasaasta dadkaasi lagu dilay katimi gaari yar oo wateen mallayshiyaad hubaysan oo markii dambe goobta ka baxsaday.

Ciidamo katirsan kuwa ammaanka ayaa goobta soo gaaray, waxayna sameeyeen baaritaano kala duwan, hase ahaatee majirto cid toogashadaasi loo soo qabtay.

Maaha markii ugu horaysay shaqaale Turkish ah lagu dilo xarunta dalka Somalia, waxaana inta badan weerarada noocaan ah gaysata ururka Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM