Sharaxaad laga bixiyay shaqsiyada ra’iisul wasaaraha cusub

Image
Xamza Cabdi Barre

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan Cumar Ibraahim Xaashi oo ka hadlay Garowe Online Twitter Space ayaa sheegay in "Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre uu siyaasiga kaliya ee ka jira Soomaaliya oo habeenkii waqti hore seexda subaxiina xilli hore u soo kaca shaqada".

Xildhibaanka ayaa sheegay in uu fahamsan in Ra’iisul wasaaraha magacaaban uu yahay qof ka soo bixi kara shaqada loo xilsaaray maadaama uu leeyahay “ xirfad hoggaamineed oo saraysa” lagana soo dhex xushay bulshada Soomaaliyeed.

Xildhibaan Cumar Ibraahim Xaashi ayaa sheegay in kalsooni badan ku qabo shaqa wasiirka 1aad ee xukumadda in uu wax badan ka qaban qodobada hortabinta leh ee horyaalla dowlada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee arbacada ra’iisul wasaare u magacaabay Xamza Cabdi Barre oo horay u ahaa guddoomiyaha guddiga doorashada maamulka Jubbaland.

“Baarlamaanka waxaan ka codsanayaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u ansixiyaan. Waxaan ka codsanayaa ra’iisul wasaaraha inuu ka soo baxo howlaha horyaalla sida wax ka qabashada amni-darrada, abaaraha, isbeddelka cimilada iyo xiriirka wanaagsan ee uu la leeyahay dhammaan dalalka,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

"Waxaan go'aankan qaatay ka dib markii aan aqoonsaday aqoonta Hamza, waayo-aragnimadiisa, iyo kartidiisa," Xasan Sheekh ayaa sheegay suxufiyiinta.

Xasan Sheekh ayaa markii labaad ku guuleystay xilka madaxtinimada bishii May ee sanadkan, isagoo horay xilkan hayay intii u dhaxeysay 2012 ilaa 2017, kaddib doorasho muddo dheer dib u dhac ku yimid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM