Shariif oo digniin u diray madaxda DF iyo ciidamadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Saraakiisha iyo ciidanka waa in ay ka waantoobaan in ay ku shaqeeyaan aragti shaqsiyaad inta lagu guda jiro is-qabqabsiga doorashooyinka, sidda uu uga digay murashax madaxweyne.

Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya ayaa cambaareeyay rasaasta ay cutubyo kamid ah askarta ku fureen dadweynihii shalay isugu soo baxay Muqdisho si ay u diidaan "boobka doorasho ee Farmaajo wado".

"Sida ku cad Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan qodobbada 13aad - 20aad ee Xorriyaadka Ra’yiga, Cabashada, Bannaanbaxyada iyo Nabadgelyada Qofnimo, waxaa muwaadiniinta loo dammaanad-qaaday in ay dareenkooda si nabdoon u soo bandhigi karaan, iyagoo helaya ilaalin xorriyadooda iyo amnigoodaba ku saabsan," ayuu kusoo qoray Facebook.

Hogaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ku daray: "Sidaa darteed, waxaan ka xunnahay oo aan si adag u cambaareyneynaa falkii ciidanka amnigu rasaasta ugu isticmaaleen shacab dhigayay bannaanbax nabadeed oo ay ku muujinayeen dareenkooda".

Afar qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay rasaastaas oo sababtay iska hor-imaad dhexmaro askarta dowladda iyo ciidamo kale oo ilaalinayey banaanbaxayaasha".

"Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan mar kale uga digaynaa tallaabooyinka aan laga fiirsan ee ay qaadayaan, taasoo xadgudub ku ah shuruucda dalka iyo xeerarka caalamiga," ayuu Shariif ku daray.

Aas-aasaha iyo hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran ayaa raaciyey: "Marna qiil loo ma heli karo, la mana aqbali karo in xabbad lagala hortago muwaaddiniintii ay ahayd in amnigooda la sugo".

"Waxaan saraakiisha laamaha amniga ugu baaqeynaa inay mas’uuliyad iska saaraan ilaalinta shacabka ay u dhaarteen difaacooda, oo aanay ku kadsoomin rabitaanka shaqsiyaad dana gaara leh, waana inay [saraakiisha iyo ciidamadu] maanka ku hayaan waxa loo tababbaray oo juhdi loo galiyay inay tahay ilaalinta iyo difaacista shacabiga Soomaaliyeed oo canshuurta laga qaado lagu bixiyo mushaaraadkooda," ayuu caddeeyay.

Mudaaharaadka waxaa soo qabanqaabiyey mucaaradka si ay cadaadiska ugu kordhiyaan Villa Soomaaliya. Murashaxiinta waxay wacad ku mareen in ay ku biiri doonan isu-soo-baxyadda.

"Shacbiga Soomaaliyeed waxaan kaga tacsiyeynaynaa dhibaatadii ka soo gaartay ishortaaggii dowladdu ku sameeysey bannaanbaxoodii nabadeed," ayuu Shariif tibaaxay.

Madaxda waqtiga kasii dhacayo ayuu "xasuusiyey inay mas’uuliyad muujiyaan oo ay u turaan shacbiga, annagoo ku baaqayna in si shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan muwaadiniinta loo xirxirey kaliya inay ka ra’yi duwan yihiin".

"Ugu dambeyn, waxaan ka digaynaa sii-socoshada falalka lagu handadayo cid kasta oo aan ku aragti aheyn madaxda dalka," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Madaxa Golaha Murashaxiinta madaxtinimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM