Shariif oo ku eedeeyay NISA in ay "dacaayad" u sameysay Al-Shabaab

Image
Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya ayaa ka falceliyey hadalka hay'adda ee ku saabsanaa "dhagarta" ay maleegayso argagixisada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qoraalka hay'adda NISA "digniinta ah" waa dacaayad ay u sameynayaan kooxaha aragagixisadda ah, sidda Talaadaa maanta ah sheegay madaxwaynihii 7aad ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa rumeysan in dhawaqa NISA uu "caddeyn u yahay isku milanka argagaxisada iyo hay'adaha amniga".

Sida laga soo xigtey hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Himilo Qaran, xukuumadda xilgaarsiinta waa in ay qaadato "talaabooyinka uga qaadan xaqiijinta amniga waddanka iyo doorashooyinka".

"Waa ayaan darro aad uweyn in hey'adii loo igmadey Amniga Qaranka dalka in ay dacaayad u sameeyneyso kooxaha argagixisada hormuudna u noqotey cabsigelinta madaxda qaranka, waxay calaamad weyn u tahay digniino muddo la bixinaynay oo ah isku milanka hay'adda Nabadsugidda qaranka iyo kooxda Argagixisada taasoo ka dhalatay siyaasadeynta qaybaha kala duwan ee ciidanka amniga Qaran," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Sidaas daraadeed waxaan ugu baaqayaa Raysul Wasaaraha JFS iyo Golahiisa wasiiradda in ay qaataan masuuliyadooda ku aadan arrimaha Amniga Dalka kana hortagaan wax kasta oo khalkhal gelin kara amniga Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed".

"Waxaa nasiib daro weyn ah in digniinta hay'adda NISA lagusoo beegay xilli ay habsami u socoto shahaadasiinta xildhibaanada barlamaanka 11 iyo dhaarinta xildhibaanada oo loo madlanyahay 14 bishan, sidaas darteed waxaan uga digayaa Mdaxweynaha JFS iyo hay'adaha amniga ee hoos yimaada wax waliba oo khalkhal gelinkara geedisocodka doorashada dalka," ayuu kusoo xiray.

Hay'adda sirdoonka Soomaaliya ayaa xalay saq dhexe waxay Twitter-ka ku faafisay in Al-Shabaab ay maleegayso "falal ka dhan ah Farmaajo iyo Rooble" uuna dhagartaas fulinayo shaqsi ay magaciisa ku sheegtey Maxamed Maahir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM