Shariif oo walaac ka muujiyey daahida doorashooyinka

Image
Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa cod dheer wuxuu ku baaqay in si deg-deg ah loo dhaqaajiyo doorashooyinka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, ayaa shir jaraa'id uu ku qabtey Muqdisho wuxuu sheegay in walwal ay ka muujinayaan daahida doorashooyinka waddanka.

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa cod dheer wuxuu ku baaqay in si deg-deg ah loo dhaqaajiyo doorashooyinka isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhameystiro coddeynta.

"Midowga musharaxiintu markii Ra’iisul-wasaaraha doorashada lagu wareejiyey waxay isku diyaariyeen doorasho, runtii aad iyo aad ayaan xunnahay in waqtigu sii dheeraanayo si habsami lehna aysan u socon doorashadu,arinta doorashooyinku waa lagama maarmaan la rabo inay waqtigooda ku dhacaan," ayuu ka dhawaajiyey.

Dhanka kale, Musharaxiinta oo Muqdisho kula kulmay wafdi ka socdey Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa kawada hadlay xaalada amniga iyo doorashooyinka si lamid ah masiirka howlgalka AMISOM.

Shalay, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa "faray Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo Heer Dowlad-goboleed in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, ayna soo gebogebeeyaan ugu dambeyn dhammaadka bisha December 2021".

Madaxweynaha Galmudug Ahmed Cabdi Kaarie ayaa daabacay liiska xubnaha Musharixiinta u tartami doona laba kursi oo ka harsanaa xubnaha Aqalka Sare baarlamaanka 11aad ku meteli doona maamul goboleedkaas.

Doorashadda xubnaha Galmudug uga haray xulista wakiiladda afarta sano ee soo aadan ku meteli doona Aqalka Sare baarlamaanka 11aad ayaa la dooranayaa 13-ka November, Sabtida todobaadka nagu soo aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku amartay Saraakiil goostay inay hubka soo celiyaan

Saraakiisha uu amarku khuseeyo ayaa haatan ku sugan magaalada Laascaanood, oo ah xarunta maamulka Waqooyi-bari ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    18-01-2026

  • 10:29AM

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM