Shariif: Waxaan rabnaa in dalkan aan xoog lagu joojin ee sharci lagu joogo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya ahna hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Himilo Qaran, Shariif Sheekh Axmed, ayaa Arbacadda maanta waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaala madaxda Muqdisho.

Shariif oo munaasabad soo dhaweyn ah ka hadlay ayaa soo hadal-qaaday dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dalka aadka looga hadlayey sidda xatooyadda caruurta iyo kufsiga dumar oo tusbax afka furtay noqdey.

Dhacdooyinkaas ayuu carabka ku dhuftay in ay yihiin wax aan la aqbali karin isla markaana aanan marnaba loo dulqaadin karin ay sii socdan.

Hay'addaha ammaanka ayuu ku dhiirageliyey in ay gacmaha kala baxaan "shaqooyinka aan loogu talogalin" ayna diirada saaraan waajibaadka loo idmaday ee badbaada iyo xaqiijinta xasiloonida waddanka ay ku jirto.

Intii uu hadal-jeedinta ku guda jiray, Shariif ayaa ku nuux-nuuxsaday ahmiyada ay leedahay in cid walba ay u hogaan-santo shuruucda qoran.

"Waxaan rabnaa in dalkan aan lagu joogin xoog iyo xoog la'aan ee lagu joogo sharci. Ruuxa in uu ku noolaado xoogiisa waa dhaqanka xayawaanaadka duurka ku jira, dhaqanka bini'aadamku waa in uu garab istaago dadka u baahan. Nidaamka iyo dowladnimada sababta loo sameeyay waa taas".

Doorashooyinka soo aadan ayuu cod dheer ku dalbaday in ay waqtigooda ku qabsoomaan, isagoo odayaasha ku booriyey in ay soo xulaan "dadka fiican" kuwaasoo waddanka samata bixi mar-xaladda uu ku sugan yahay.

Qoondada haweenka ayuu ku adkeystay in ay muhiim tahay in aan lagu xadgudbin. "Waad og-tihiin doorka fiican oo ay ku leeyihiin dalka, laakiin waxaan rabnaa in aad noo keentii gabdho la socda meesha uu dalka marayo iyo halka loo socdo," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay madaxweyne Shariif.

Maadaama ay soo dhawaaneyso doorashadda, murashaxiinta ayaa la filayaa in ay dib ugu soo laabtaan waddanka gaar ahaan magaala madaxda Muqdisho si ay uga bilaabaan ololahooda iyagoo socdaalo ku mari doono maamuladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM