Shariif Xasan iyo Ergayga Midowga Afrika ee Somalia oo kulmay
BAYDHABO- Safarkii ugu horeeyay oo Ergayga Midowga Afrika ee Somalia Francisco Madiera ku tago magalada Baydho xarunta maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan amniga iyo shaqayn dhexmartay AMISOM iyo laama nabad galay maamulkaasi.
Safarkan uu shalay ku tagay xarunta gobolka Baay ee Baydhabo ayuu ugu kuur galay xaaladaha amni isagoo kulamo kala duwan la qaaday Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo saraakiisha ciidamada AMISOM ee halkaasi ku sugan.
Shir jaraa'id oo labada mas'uul Shariif Xasan iyo Amb: Madiera saxaafadda ugu warameeyeen waxyaabaha dhexmaray ayay ku sheegeen in xaaladda amni tahay mid aad u wanaagsan islamarkaana xiriir wada shaqayneed ka dhaxeeyo ciidamada labada dhinac.
“Waa Safarkaygii ugu horeysay ee aan ku imaado magalada Baydhabo tan iyo markaan xilka la wareegay, waxaana maanta la kulmay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh, aadan saraakiisha ciidamada AMISOM ee halka ku sugan iyo kuwa kale ee maamulka Koonfur Galbeed, ruuntii xaaladda amni aad bay u wanaagsantahay, waxaana isla soo qaadnay sidii aan u hormarin lahayn,”Ayuu yiri Danjire Madiera.
Dhinaca kale Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa carrabka ku dhintay inay danjiraha isla garteen qaabkii amniga loo sii labo jibaari lahaa, miinooyinka jidadka lagu aasayna loo soo saari lahaa, isagoo intaasi raacshay in amniga guud la adkeeyay si looga hortago falalka kooxaha nabad diidka ah.
"Waan ku faraxsanahay inuu noo yimaado Danjiraha Midowga Afrika Amb. Francisco Mediera, waxaana ka wada hadalnay runtii arrimo badan oo amniga iyo xaaladda waddanka khuseeaya, waxaana rajaynaynaa inaan kor u qaadno wadashaqaynta aan wada leenahay Midowga Afrika,"Sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Shariif.
Safarka Mediera oo noqonaya kii ugu horaysay ee ku yimaado magalada Baydhabo tan iyo markii xilkaasi loo soo magacaabay 07 October, 2015, wuxuuna kamid ahaa wafdigii dhawaan gaaray magalada Garowe ee qaybta ka noqday hishiiskii Puntland ku qaadatay nidaamka 4.5.
GAROWEONLINE