Shariif Xasan oo cabasho ka keenay ururka Al Shabaab

Image

BAYDHABO, Somalia- Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa cabasho ka keenay ururka Al Shabaab oo gacanta ku haya deegaano badan oo katirsan seeraha dowlad goboleedkaas.

Shariif Xasan ayaa sheegay in xaaladda amni ee maamulkiisa muddooyinkii dambe ay aad  u wanaagsanayd, balse ay jirto mushkilad xoog leh oo u baahan wax ka qabasho deg deg ah.

Wuxuu sheegay in saamaynta abaarta ka jirta maamulkiisa ay aad u labo jibaarantay kadib markii gar-gaar la gaarsiin waayay dadka shacabka oo ku sugan gobollada maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa xusay in ururka Al Shabaab is hortaag ku sameeyay gurmadkii loo fidinayay dadka shacabka ah taasina ay kor u qaaday saamaynta abaarta iyo boqolaal ruux kasoo cararaan deegaanadii ay daganayaayeen.

“Al-Shabaab ayaa diidan dadka in la gar gaaro, waa mushkilada hor-taagan in dadka abaarta u dhimanaya in gargaar la gaarsiiyo oo xaaladooda wax lag qabto,” Ayuu yiri Shariif, Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Maamulkiisa ayuu tilmaamay in muhiimadda Koowaad siinayo wax u qabashada dadka tabaalaysan iyo la dagaallanka ururkaas oo ku eedeeyay inay gumaadayaan shacabka tabaalaysan ee u baahan gacan qabashada.

Arrintan ayaa timid kadib markii Shabaab ay mamnuucday in gurmad la gaarsiiyo meelaha ay ka taliso islamarkaana ay ka howl galaan hay’adaha samafalka.

Dhawaan waxay gobollada Hiiraan iyo Gedo ku qafaasheen dad ka shaqaynayay arrimaha bini-aadanimada kuwaasoo qaybtood wali ku jiraan gacanta Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM