Shariif Xasan oo furay Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka KG (Sawirro)

Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan ayaa maanta ka furay magaalada Baydhabo kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka mamaulkaasi.

Gudoomiyaha Baarlamaanka KG Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, labadiisa Ku xigeeno iyo Madaxweyne Shariif Xasan, ayaa ka soo qeyb galay Munaasabadda furitaanka ee Kalfadhiga 4-aad.

Cabdulqaadir oo marka hore khudbad jeediyay ayaa sheegay in uu furan yahay wixii ka dambeeyay 22-ka Oct Kalfadhiga 4-aad ee Gollaha, wuxuuna Xildhibaanada ugu baaqay inay soo xaadiraan kulamada.

Madaxweyne Shariif Xasan oo isna ka hadlay goobta ayaa kula dardaarmay Xildhibaanada inay laboo jibbaaraan shaqooyinkooda, maadaama ay kasoo laabteen hadda fasaxoodi dastuuriga ahaa.

Furitaanka kalfadhigan ayaa kusoo aadaya xilli uu ka socdo Muqdisho baabul xooggan, oo ay wadaan Siyaasiyiin kasoo jeeda Koonfur Galbeed, oo ay kamid yihiin Wasiiro hore iyo Xildhibaano badan.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed waxay wadaan mooshin ka dhan ah Madaxweyne Shariif Xasan, balse la kulmaya cadaadis xooggan, iyo caburin iyagoo awoodi waayay in mooshinkaasi ay geeyaan Baydhabo.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaaday in dowladda dhexe, gaar ahaan Villa Soomaaliya ay gadaal ka raaxayso Ololaha xilka looga qaadayo Madaxweyniyaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM