Shariif Xasan oo isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiiradda

Image

BAYDHABO, Somalia - Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa maanta oo Axad ah isku shaandheeyay Gollahiisa Wasiirada, kadib markii ay Xukuumadiisa hore lagu dhaliilay wax-qabad la'aan iyo tayo xumo dhanka maamulka ah.

Digreeto kasoo baxday Madaxweyne Shariif Xasan ayaa lagu shaaciyay Isku shaandheynta Gollaha Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed Somalia, iyadoo ay shaxda cusub ay kasoo muuqdeen wajiyo cusub, iyadoo lasoo celiyay Wasiirro hore, oo aad ugu dhaw sida la sheegay Shariif Xasan.

Sida ku suxan qoraalka, 53 Wasiir, oo ka kooban 24 Wasiir, 24 Wasiir ku xigeen iyo Shan Wasiiru dowle, ayuu soo magacaabay Shariif Xasan, kuwaasi oo bedelaya Xukuumadii hore ee Tirada badnayd, ee waxqabadkeeda liitay.

Koonfur Galbeed, oo kamid ah maamulladii la dhifay wixi ka dambeeyay 2013-kii ayaa wali ku shaqeynaya magaalada Baydhabo oo xarun ku KMG u ah, iyadoo Caasimadiisa rasmiga ah ee Baraawe, loogu shaqeyn waayay amni la'aan iyo khatarta Al shabaab oo gobolka Shabeellaha hoose ka jirta.

Halkan hoose ka akhriso Digreetada Madaxweyne Shariif Xasan;

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM