Sheekh Shariif: Madaxweyne waa kugu ceeb inaad isa-soo sharaxdo mar kale [Dhagayso]
MUQDISHU, Somalia- Madaxweynihii hore dowladda Somalia hadana ah murashax u taagan jagaadas Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa dhaliilay siyaasadda Xasan Sheekh Maxamud, wuxuuna ku eedeeyay inuu ku fashilmay dhammaan waxyaabihii uu ballanqaaday markii uu xilka kala wareegayay 2012.
Sheekh Shariif oo hadalkan ka sheegay mar uu maanta dib ugu laabtay caasumadda Somalia, ayaa ammaan iyo bogaadin usoo jeediyay Barlamanka Federaalka Somalia, isagoo tilmaamay inay diyaar u yihiin sidii dalka looga saari lahaa dhibaatada uu ku jiro.
Khudbadda Shariif, wuxuu aad uga waramay waxyaabaha dalka ka dhacay mudadii uu joogay Xasan Sheekh, wuxuuna xusay inay dhaceen kiisas isugu jira; Musuq-maasuq, cabsi galin, boob iyo iska horkeenka umadda Somaliyeed.
Tallaabooyinkaas ayuu Murashaxu cadeeyay in lagu raadinayay sidii kursiga mar kale u hantin lahaayeen mas'uuliyiinta xilku ka dhammaaday ee wali xafiiska jooga.
"Hadaladii aad ii soo jiitay, waxaa kamid ahaa; Waxaan Ballan qaadayaa in qof kasta miiska loo saaro saddexda waqti wuxuu cuni lahaa, balse taas ma dhicin oo cagsigeed ayaa loo rogay,"Ayuu yiri Sheekh Shariif.
Wuxuu ceeb iyo fadeexad ku tilmaamay in mar labaad isa-soo sharaxo Xasan Sheekh, wuxuuna golaha Barlamanka Federaalka Somalia ku booriyay inay ka fiirsadaan ruuxa ay dooranayaa oo aysan dayicin fursaddan.
Sheekh Shariif, ayaa Xasan Sheekh sidoo kale ku eedeeyay inuu hantida dadweynaha gacanta u galiyay qaraabadiisa, taasina kaliftay in ciidamadii qalabka sida iyo dhammaay hay'adihii dowladda ragaadiyeen lacag la'aan.
Umadda Somaliyeed ayuu ku sifeeyay dad wanaagsan oo jecel wanaaga, wuxuuna sheegay inay kasoo kabanayaan dagaalo iyo colaado sokeeye.
Ugu dambayn Sheekh Shariif, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in doorashada Madaxweynaha ee bishan dhammaankeeda lagu wado inay qabsoonto uu ku guulaysan karo Bolkiiba Boqol.
"Aniga Rajadayda doorashada waa mid Boqolkiiba Boqol ah, waana ku sheegaya Madaxweynaha Somalia waa ani, Xasan sheekh Lacagta ayuu bixiyay laakiin Codka Xildhibaanada ayaa iska leh, waana hubaan inaan ku guulaysan doono,"Sidaas waxaa isagoo qoslaya hadalkiisa kusoo xiray Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
GAROWEONLINE