Sheekh Shariif oo si kulul uga digay Dhaqanka “Mas’uuliyad-darrada” ee Dowladda Federaalka

Image

MUQDISHO – Madaxweynaha hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif, ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan Baarlamaanka Federaalka, isaga oo si adag u dhaleeceeyay waxa uu ku tilmaamay “dhaqan mas’uuliyad-darro” oo ay ku kacday Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Sheekh Shariif ayaa lagu sheegay in tallaabooyinka dowladda ay yihiin kuwo khatar ku ah nidaamka federaalka iyo midnimada dalka, isla markaana aan la jaan qaadi karin heshiisyadii iyo dastuurkii dalka lagu aasaasay.

Sheekh Shariif ayaa ku baaqay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wada-xaajood iyo ixtiraam, isaga oo ka digay in habdhaqanka mas’uuliyad-darrada ahi uu sii hurin karo kala qaybsanaanta siyaasadeed iyo xasilooni-darrada dalka.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale ku adkeeyay in dhammaan hay’adaha dowladda iyo madaxda siyaasadeed ay waajib ku tahay ilaalinta Dastuurka, xuquuqda dowlad goboleedyada, iyo danta guud ee shacabka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muuqaallada Hollywood ma dhisi karaan mustaqbalka jiilka Soomaaliyeed?

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa ku soo koray dal aysan ka jirin nidaam…

  • Soomaliya

    01-09-2026

  • 01:38PM

Soomaaliya : Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta oo xoojinaya iskaashiga hubka

Laba ilo-wareed oo Maraykan ah ayaa WSJ u xaqiijiyey in Maraykanku fuliyey weerarka.…

  • Soomaliya

    01-09-2026

  • 11:35AM