​Sheekh Shariif "Saxiixa Badda waxba kama ogi" [Daawo]

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynihii hore dowladdii KMG ahayd ee dalka Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka hadlay muranka ka taagan biyaha Somalia ee u dhaxeeya dowladda Federalka iyo Kenya.

Shariif oo ka qayb galayay kulan su'aalo lagu weydiinayay oo ka qabsoomay magaalada Muqdishu todobaadkii hore, ayaa iska fogeeyay inuu ku lug lahaa muranka biyaha Somalia, isagoo si cad u sheegay inuusan arkin hishiis labada waddan dhexmaray.

"Ra'isal wasaarahaa idiin jawaabay, wasiirkaa idiin jawaabay, anigana ma arkin, warqad lagu saxiixay, meel lagu saxiixayna ma arag, waxna kama ogi,"Ayuu yiri Shariif.

Murashaxan u taagan madaxweynaha Somalia, ayaa eedda ku riixay Ra'isal wasaarihii xilligaas joogay Cumar Cabdirashiid iyo wasiirkii Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur isagoo dalbaday wixii la xiriira muranka in iyaga la weydiiyo.

"Haday fiicantahay dadkaas ayaa iska leh, haday xumaatana iyagaa iska leh,"Shariif ayaa sidaas hadalkiisa ku daray.

Wuxuu carrabka ku dhuftay in muranka taagan la siyaasadeeyay islamarkaana hishiiska ku caddayn in badda Somalia la beeciyay ama la bixiyay laakiin uu qeexayay is-afgarad labada dhinac dhexmaray.

"Maxaa waxaa ku jirta bad la beeciyay, ma waxaa ku jirta bad la iibiyay, waxaas oo dhan kuma jiraan, Badda arrinteedu siyaasad weeye,,"Ayuu yiri Madaxweynihii hore Somalia.

Shariif ayaa sheegay inuusan garan karin sababta badda ka hadalkeeda loogu soo beegay imaanshihiisa dalka.

"MoU-gu Somalida xaq wuxuu u siinayaa inay qadiyadooda u wareejiyaan Hague, wuxuuna qayb ka yahay in dacwadda laga aqbalo,"Ayuu hadalkiisa ku daray.

Sheekh Shariif oo sii hadlayay, ayaa tilmaamay inuusan taageersanayn hishiiska labada dhinac, balse wuxuu ku macneeyay mid ay ku jirtay maslaxadda Badda Somalia maadama sida uu hadalka u dhigay [Memorandum of Understanding] ku cadyahay in labada dowladood kawada hadlaan muranka biyaha.

Hadalka Sheekh Shariif ayaa kusoo aaday xilli ay lasoo gaba gabeeyay dhagaysiga dacwadda Badda ee ka socotay dalka Holland, wuxuuna qayb ka ahaa mas'uuliyiinta lagu eedaynayay inay bixiyeen biyaha Somalia, waana markii ugu horraysay oo muranka badda ka hadlo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirrada Gaashaandhigga Masar iyo Soomaaliya oo ku kulmay Qaahira si ay u xoojiyaan iskaashiga milatari

Masar ayaa qorsheyneysa inay ku biirto Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

  • Soomaliya

    30-09-2025

  • 12:04PM

Soomaaliya: Ciidamada Puntland oo dilay xubno Daacish katirsan

Ilo madax bannaan ayaa xaqiijiyay in Puntland ay ku weyday hal askari howlgalkaasi ka dhacay Calmiskaad.

  • Soomaliya

    29-09-2025

  • 01:46PM