Xasan Daahir : Ameerika ayaan u xirnahay waanan la dagaalamaynaa haddii ay nala heshiin waayaan

Image

MUQDISHO, (GO) - Sheekh Xasan Daahir Aways oo mar ka mid ahaa madaxdii maxaakiimta Islaamiga ah iyo Alshabaab ayaa cajalad cusub oo uu soo duubay ku hanjabay in la weerari doono Maraykanka.

Wuxuu Maraykanka ku eedeeyay in uu isaga ka dambeeyo dagaalada iyo xasilooni darida ka jirta Soomaaliya, islamarkaasna uu doonayo in uu qaato dhulka Soomaaliya, ama cid kale siiyo.

Xasan Daahir oo soo daliishanayay aayado badan ayaa ayaa sidoo kale sheegay in Ameerikaanku ay Soomaalida ula dagaashanyihiin diinta islaamka awgeed.

Wuxuu sheegey in sidii Ameerikaanka “loogu jabiyay” Afqanistaan loogu jabin doono Soomaaliya.

Dhanka kale wuxuu sheegay in loo sheegay in uu u xiranyahay Ameerikaanka.

Wuxuu Ameerikaanka ka dalbay in ay isfaham la gaaraan waxa uu ku tilmaamay dadka doonaya midnimada Soomaalida, lana yeeshaan macaamil wanaagsan, haddii kale lagu qasbanaan doono in lala xirto cid kale oo awood leh. Ma uusan sheegin cidda ay tahay taasi.

Dowlada Federaalka ayaa sheegta inuu u xiran yahay wadaadkaan xag-jirka balse waxaa uu haystaa fursad oo baraha bulshada galiyo hadalo uu ku dhaliilayo dowlada Soomaaliya, halka uu dhowaan dhaliilo uu ku jees-jeesayo ciidanka dowlada soo saarey kuwaas oo dagaalka kula jira kooxda Al shabaab. 

Dhowaan ayaa wiil uu dhalay waxaa lagu diley duqeyn ay geysteen ciidamada Maraykanka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM