​Shil dhimasho sababay oo ka dhacay duleedka Balcad

Image

MAHADAY, Somalia- Ugu yaraan saddex ruux, oo labo kamid ah ay ahaayeen Haween ayaa ku dhimatay Shil gaari oo ka dhacay duleedka degmada Balcad, ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Shilkan ayaa dhacay markii Gaari nuuca NOHA-da ah oo ay la socdeen 5 qof ku qalibmay wado ku taalla deegaanka Qalimoow, oo 3KM u jiro magaalada Balcad, sida dadka deegaanka GO u sheegeen.

Saraakiil katirsan maamulka gobolka Shabeellaha dhexe oo goobta shilka tagay, ayaa sheegay in Gaariga rogmaday, uu kasoo amba-baxay degmada Balcad, kuna sii jeeday degmada Mahadaay.

Darawalka Gaariga ayaa kamid ah saddexda qof ee ku dhimatay Shilkaas, oo loo aaneeyay wadada oo burbursan iyo Babauurka oo xawaare sare ku socday.

Dadka dhaawac noqday ayaa loo qaaday cusbital ku yaalla degmada Balcad.

Inta badan Shilalka nuucan ah ayaa loo sababeeyaa jidadka oo burbursan ka muuqdo iyo wadayaasha gaadiidka oo aqoon badan lahayn, kuna kaxeeya baabuurta si aan mas'uuliyad iyo taxadir ku jirin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kale aysan ku qanacsanayn qaabka uu Xasan Sheekh wax u wado.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 08:59PM

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM