Shil Gaari oo ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shil Gaari oo sababay Khasaaro isagu jirta dhimasho iyo dhaawac Xaafada ayaa saaka oo Axad ah waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya.

Shilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Taleex, ee degmada Hodon kadib markii Gaari nooca xamuulka qaada oo marayey wadada wayn ee isku xirta Isgoyska KM4 iyo Tarabuunka gaara ahaan Dal-cadda Taleex uu ku rog-maday dad wadada marayay.

Inta la xaqiijiyay saddex qof oo labo kamid ah ay ahaayeen hooyo iyo wiilkeeda, ayaa ku dhintay halka labo kelana ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo loola cararay Isbitaalka, sida Garowe Online u sheegay Goobjooge.

Saraakiisha amaanka iyo kuwa gurmadka deg deg ah ayaa gaaray goobta, si ay gurmad ugu fidiyeen dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay shilka iyo inay kasoo hoos bixiyaan dad ku hoos jiray baabuurka gadoomay.

Gaariga rog-maday ayaa wuxuu kusoo baxay Dekeda Muqdisho, waxaana ku rarnaa raashiinka noocyadiisa kala duwan ah oo uu u waday Suuqa Bakaaraha.

Dadka goobta tagey ayaa sheegay in tanka saarnaa Gaarigan uu ahaa mid xad-dhaaf ah, taasoo keentay inuu qalibmo.

Inta badan shilalka ka dhaca caasimada Soomaaliya ayaa waxaa loo aaneeyaa burburka wadooyinka iyo xirfad la'aanta darawalada badankood, kuwaasi oo u kaxeeya gaariga si aan mas'uuliyad ku jirin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM