Shil gaari oo khasaaro sababay oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan Hal qof oo Shacab ah ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhintay, labo kalena uu dhaawac kasoo gaarey shil Gaari oo ka dhacay wadada Maka Al-mukarama ee caasimada Soomaaliya.

Shilkaan khasaaraha nafeed geystay ayaa ka dambeeyay kadib markii Gaari ay wateen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya uu jiiray dad wadada marayey, sida ay Garowe Online u sheegay goobjooge.

Saraakiisha ciidamadda illaalada wadooyinka ee dowladda, ayaa xaqiijiyay in ruuxa ku naf-waayey shilkaan uu ahaa Rag, halka labadda kalena ee dhaawaca ahaa ay iyaguna ahaayeen rag.

"Gaari ay saarnaayeen ciidamadda Milatariga Soomaaliya oo si xowli ah ku socda, ayaa wadada Maka Al-Mukarama ku dar-daray dad rayid ah. Hal qof wuu dhintay, laba kalena waa dhaawac," ayuu yiri Cali Nuur, oo ah goobjoogaha.

Ciidamada ilaalada wadooyinka oo goobta isla markiiba yimid waxay qaaday meydka iyagoo geeyay xarunta CID-da, halka labadda kale ee dhaawaca ah loola cararay Isbitaalada Muqdisho, si loo daaweeyo.

Inta badan Gaadiidka ciidamada Soomaaliya, marka ay ku lug-yeeshaan falal noocaan ah ayaa goobta uga dhaqaaqa dadka shacabka ah ee ay dhibaatada gaarsiiyaan.

Bishii hore ayay ahayd markii Shil baabuur oo ka dhashay gaari Xamuul ah oo rogmaday isla Wadada Maka Almukarama ay ku geeryoodeen labo qof, iyadoo dhaawacana uu intaas ka badan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo ku ballansan Shirka ka dhacaya Xalane

Wakiillada beesha caalamka iyo diblomaasiyiin sar-sare ayaa soo dhex-galay dhinacyada si ay u fududeeyaan is-fahamka.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:09PM

Mareykanka oo uga Digay Dowladda Soomaaliya in Awood loo Adeegsado Dibad-baxayaasha

Dhanka kale, laamaha amniga ayaa ku doodaya inay ka hortagayaan kooxo raba inay qalqal geliyaan nabadgelyada caasimadda.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 09:33AM