Shil khasaare badan dhaliyey oo duleedka Muqdisho ka dhacay

Image

March 17, 2015 (GO)- Ugu yaraan todoba qof ayaa ku geeriyoodey ku dhowaad labaatan kalena way ku dhaawacmeen shil gaari oo maanta ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Xaawo Cabdi iyo Lafoole ee duleedka magaalada Muqdisho.

Shilkan ayaa yimid kadib markii ay isku dheceen labo gaari oo kala ah bas yar oo noociisu yahay Nissan Homy iyo gaari kale oo kuwa xammuulka qaada ah oo isagana noociisuna yahay N3.

Dadka dhintey waxaa ku jira dumar iyo carruur, kuwa dhaawacmey oo qaarkood xaaladoodu halis tahay waxaa lasoo qaadey dhanka magaalada Muqdisho.

Taraafikada ayaa tagtay goobta uu shilku ka dhacay lamana xaqiijin ilaa iyo hadda labada gaari midkooda khaladan.

Boqollaal qof ayaa sanad walba ku geeriyooda shilalka gaadiidka ee ka dhaca Soomaaliya, waxaana badankooda loo aaneeyaa khibrad yarida wadeyaasha gaadiidka iyo jidadka oo burbursan.

GAROWE ONLINE  

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM