Shir caalami oo Muqdisho ka furmaya [Akhri Ujeedka]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkan oo uu shir gudoomin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo badan oo ku saabsan xaaladda dalka.

Sida uu ka dhawaajiyay Cabdiraxmaan Iidan Yoonis, oo ah Sii hayaha xilka wasiirka warfaafinta kulankaan oo furmi doona bishaan ayaa waxaa looga hadli doonaa xaalada Bani’aadanimo ee ka jirta guud ahaan dalka Soomaaliya.

“Fatahaada ku dhuftay dalka ayaa waxay yihiin waxyaabaha ugu waa weyn ee shirkaan looga hadli doono. Madaxweyne Farmaajo ayaana shir gudoomin doona, iyadoona ay nagala soo qeyb-geli doonan xubno beesha caalamka ka tirsan,” ayuu yiri Mr Iidan.

Wuxuu tilmaamay in sidoo kale shirkaan lagu gor-fayn doono sida deymaha lagu leeyahay Soomaaliya looga cafin lahaa, taasoo xukuumada hadda jirto dadaal iyo waqti badan ku bixisay gaara ahaan Wasaaradda Maaliyadda.

Ma uusan sheegin Mudane Iidan goorta uu si rasmi ah shirkaan uga furamayo caasimada Soomaaliya, laakiin wuxuu hoosta ka xariiqay in qodobada looga hadli doono dhamaantooda ay yihiin kuwa horumarka dalka ka qeyb-qaadanaya.

Shirkaan ayaa qeyb ka ah shirar dhowr ah oo ay dowlada qabatay mudadii ay jirtay, waxaana uu daba socdaa kulan dhawaan Muqdisho ku dhexmaray Beesha Caalamka iyo dowlada, oo uu Ra’iisul Wasaare ku xigeenka shir gudoomiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hormuud Salaam Foundation oo Xarigga Ka Jartay Laami Muhiim ah oo Ay Ka Dhistay Xaafadda Calanleey ee Kismaayo

Laamigan cusub, oo ay maalgelisay Hormuud Salaam Foundation waxaa hirgelisay shirkadda dhismaha ee Al-Buruuj.

  • Soomaliya

    14-05-2025

  • 06:24PM

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM