Shir dib u heshiisiin ah oo ka furmay Muqdisho [Madax sare oo ka qeybgalaysa]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shir dib u heshiisiin ah, oo ay ka qeybgalayaan Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasna Cali Khayre, Xildhibaano, Odayaal iyo Marti sharaf kale ayaa ka furmay Muqdisho.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisinta Xukuumadda Federaalka ayaa soo qaban qaabisay Shirkan, oo ujeedkiisu yahay in lagu soo afjaro colaad beeleedka ka taagan mudada dheer magaalada Marka, ee xarunta gobolka Sh/Hoose.

Odayaal, waxgarad iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka ayaa ka qeyb galaya Shirka, kaasi oo ka furmay saaka SYL hotel ee magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in markii uu dhamaado laga soo saaro qodobo labada dhinac ku heshiiyeen.

Dowladihii hore ayaa sameeyay isku dayo noocan ah, kuwaasi oo fashil ku dhamaaday iyadoo dagaalka gobolka Shabeellaha hoose uu noqday mid daba dheeraaday oo xal loo waayay, kaasi oo salka ku haya muran ku saabsan maamulka magaalada Marka.

Beelaha Biya-maal iyo Habar-Gidir ayuu u dhaxeeyaa dagaalka dhanka maamulka ku salaysan ee ka taagan magaalada Marka, oo katirsan deegaanada hoostaga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM