Shir dib u heshiisiin ah oo ka furmay Muqdisho [Madax sare oo ka qeybgalaysa]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shir dib u heshiisiin ah, oo ay ka qeybgalayaan Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasna Cali Khayre, Xildhibaano, Odayaal iyo Marti sharaf kale ayaa ka furmay Muqdisho.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisinta Xukuumadda Federaalka ayaa soo qaban qaabisay Shirkan, oo ujeedkiisu yahay in lagu soo afjaro colaad beeleedka ka taagan mudada dheer magaalada Marka, ee xarunta gobolka Sh/Hoose.

Odayaal, waxgarad iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka ayaa ka qeyb galaya Shirka, kaasi oo ka furmay saaka SYL hotel ee magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in markii uu dhamaado laga soo saaro qodobo labada dhinac ku heshiiyeen.

Dowladihii hore ayaa sameeyay isku dayo noocan ah, kuwaasi oo fashil ku dhamaaday iyadoo dagaalka gobolka Shabeellaha hoose uu noqday mid daba dheeraaday oo xal loo waayay, kaasi oo salka ku haya muran ku saabsan maamulka magaalada Marka.

Beelaha Biya-maal iyo Habar-Gidir ayuu u dhaxeeyaa dagaalka dhanka maamulka ku salaysan ee ka taagan magaalada Marka, oo katirsan deegaanada hoostaga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kulankii Villa Somalia oo fashilmay iyo xiisadda siyaasadeed oo sii kordhaysa

Dhanka kale, Puntland iyo Jubaland ayaa si rasmi ah u shaaciyay inay joojiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen Dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    10-08-2025

  • 03:21PM

Fiqi: Dowlado Shisheeye ayaa ku caawinaya Al-Shabaab inay la wareegto Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan toban sano dagaal hubeysan kula jirtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    09-08-2025

  • 12:45PM