Shir hogaamiyaasha Soomaaliya uga furmaya Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Todobaadkan lagu wadaa in Muqdisho uu ka furmo Shir u dhaxeeya Hogaamiyaasha maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan oo la filayo inuu furmo 6-da bishan ayaa ajandooyinka looga hadlayo waxaa kamid ah, Dib u eegista Dastuurka, Dhisamaha ciidamada qaranka, qeybsiga Khayraadka dalka iyo Doorashada 2020.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa la filayaa in wixii maalinta berri ah ka dambeeya ay soo gaaraan Caasimadda.

Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha caalamka ayaa aad ugu dhaliilay hogaamiyaasha dalka gaabiska ka jira hergelinta Qodobadii kasoo baxay Shirarkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM