Shir hogaamiyaasha Soomaaliya uga furmaya Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Todobaadkan lagu wadaa in Muqdisho uu ka furmo Shir u dhaxeeya Hogaamiyaasha maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan oo la filayo inuu furmo 6-da bishan ayaa ajandooyinka looga hadlayo waxaa kamid ah, Dib u eegista Dastuurka, Dhisamaha ciidamada qaranka, qeybsiga Khayraadka dalka iyo Doorashada 2020.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa la filayaa in wixii maalinta berri ah ka dambeeya ay soo gaaraan Caasimadda.

Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha caalamka ayaa aad ugu dhaliilay hogaamiyaasha dalka gaabiska ka jira hergelinta Qodobadii kasoo baxay Shirarkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM