Shir ka dhan ah Shabaab oo ka furmay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shir looga hadlayo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ayaa maanya oo sabti ah waxa uu ka furmay magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Kulankan oo ay ka qeybgalayaan Saraakiil AMISOM, Xildhibaanno iyo Wasiirro ka socda dowladda Federaalka, ayaa waxaa furay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yariisow, ayaa Warfidiyeenka u sheegay in ujeedka shirka uu yahay in la dejiyo qorshe cusub, oo lagu soo afjarayo dagaalka lagu jiro Al Shabaab.

Eng Yariisow ayaa tilmaamay in Shirka sidoo kale dib loogu eegayo waxyaabihii ka qabsoomey go'aanadii kasoo baxay Shirkii Soomaaliya loogu qabtey magaalada London, ee bishii May aynu kasoo gudubnay.

Wasiirka wuxuu sidoo kale xusay in dowladda Sweden ay qaadatey doorka hogaamineed ee taageerada Beesha Caalamka, ee Soomaaliya looga gacan siinayo qorshaha dhanka soo celinta amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM