Shir looga hadlayo ciidan Bariga Afrika yeesho oo Jabuuti ka furmay

Image

13 Octobar, 2015(GO)-Dalka Jabuuti, waxaa lagu qabtay kulan isugu yimaadeen dalalka ku yaalla Bariga Afrika, waxaana looga hadlayaa sidii loo dhisi lahaa ciidan heeggan ah oo wadamada Bariga ku yaalla yeeshaan.

Ujeedka ciidamadan loo dhisayo ayaa lagu sheegay inay tahay sidii loo heli lahaa ciidan diyaar ah oo ka hawl gala goobtii looga baahdo, kaasi oo ay ku midaysanyihiin wadamada Bariga ku yaalla.

Hawshan, waxaa taageeraya Midowga Africa, Midowga Yurub iyo dalal kale.

General Axmed Shekh Maxamud oo dowladda Somalia shirka uga qayb galay ayaa sheegay in qorshaha lagu dhisayo ciidankan soo socotay muddo ku siman 10 sano.

“Ciidankani hadda ma howl-galaan laakin waxaa loo diyaarinayaa sidii ay u howl gali lahaayeen, Shirku wuxuu leeyahay saddex heer, midkani waxaa xigi doona shirka taliyeyaasha ciidammada, waxaa kaddib sii xigi doona midka wasiirrada gaashaandhigga” Ayuu yiri Generaal Axmed.

Dowladaha Somalia, Burundi, Jabuuti, Rwanda, Kenya, Sudan, iyo Ethiopia ayaa shirkaasi ku sugan waloow aan la shaacin inta uu socon doono.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda oo kadib weerarkii Godka Jilicow oo ku dhawaaqday go'aan cusub

Wasiirka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay beddeshay xeeladooda weerarada kadib markii laga hortagay isticmaalka gaadiidka rayidka.

  • Soomaliya

    12-10-2025

  • 01:34PM

Kiiska Faragelinta Xasan Sheekh ee Gedo oo Jubaland gaarsiisay UN-ka

Xiisadaha u dhexeeya Muqdisho iyo Kismaayo ayaa aad u sii xoogeystay, iyadoo Kenya ay ku lug yeelatay dadaallo dhexdhexaadin ah.

  • Soomaliya

    11-10-2025

  • 12:15PM