Shir loogu qareemayo qoondada haweenka oo furmay

Image
Image
Image
Image
Kulankan waxaa ka qeybgalaya wakiilo ka socdey guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer gobol.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay shir looga hadlayo u qareemidda qoonddada Haweenka ee 30%, kaas oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda.

Shirka oo labo maalin socon doono ayaa waxaa lagu casuumay odayaasha dhaqanka ka soo jeeda Somaliland iyo beelaha Banaadiriga oo doorashada xildhibaanadooda ka dhici doonto caasimadda.

Sidoo kale, shirka waxaa ka qeybalay wakiilo ka kala socda guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo ururada haweenka.

Wasiirka wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim, oo furitaanka shirkan ka hadashay ayaa u mahadcelisay madaxda dowlad goboleedyada si ay u ilaaliyeen qoonddada haweenka ee aqalka sare.

Waxay intaas ku dartay in loo baahan yahay in doorashada golaha shacabka la xaqiijiyo kuraasta haweenka si lamid ah midda aqalka sare.

Wasaaradda Haweenka dowladda federaalka ayaa hormuud u ah ololaha balaaran ee loogu qareemayo xaqiijinta qoonddada haweenka ee 30% ee doorashada baarlamaanka oo hadda socota.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM