​Shir madaxda Somalida uga furmay Muqdishu

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Waxaa maanta oo [Axad 29 May, 2016], magalada Muqdishu Caasumadda Somalia ka furmay shirka wadatashiga madaxda Somalia oo looga hadlayo arrimo ku aadan doorashada waddanka ee la qorsheynayo inay qabsoonto dabayaaqada 2016.

Kulankan ayaa ka qabsoomay xarunta Villa Somalia, waxaana isugu yimi, madaxweynaha dowladda Federalka Somalia, Ra'isal wasaaraha, ku-xigeenkiisa iyo madaxda maamullada qaybta ka ah dowladda dhexe.

Shirka oo Socon doona muddo labo maalmood ah ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo hirgelin lahaa heshiisyadii ay hore Madashu u gaartey ee la xiriirey hannaanka doorashooyinka iyo qaababka ay guddiyadu uga hawl geli doonaan dhammaan gobollada Somalia.

Waxaa sidoo kale lagu lafa guri doonaan halka looga sii gudbayo doorashada kadib iyo qaabkii dalka loo gaarsiin lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Madashan, ayaa sidoo kale la isla soo qaadi doonaan arrimo ku aadan maqaamka caasumadda iyo halka doorashadu ka dhici doonto, waxaana wararka uu helayo warsidaha Garowe Online sheegayaan in si aad ah loogu kala aragti duwanyahay.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha Somalia, xeer ku ansixiyay hishiiskii madasha ee bishii April, kadib markii la horgeeyay Barlamanka islamarkanaa ka dhasheen khilaaf xooggan oo soo baxay markii Xildhibaanadu shaaciyeen in qodobaa qayb ka saari doonaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM